Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Xildhibaan Abiib oo xabsi ku jira

Xildhibaan Maxamed Abiib oo katirsan golaha Wakiillada maamulka Somaliland, ayaa isbuucii labaad ku xiran xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa, mana jiro ilaa hadda wax maxkamad ah oo lasoo taagay xildhibaanka u xiran Madaxtooyada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa xabsi ku jira xilli wali uu wali huwan yahay xasaannadii xildhibaannimo, waxaana dhagaha ka fureestay xeer ilaalinta maamulka Somaliland dalab horey uga soo baxay xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland oo ku baaqayay in xildhibaanka xurriyadiisa la siiyo.

Gudigga xuquuqul insaanka ee Somaliland oo xildhibaanka ku booqday xabsiga uu ku xiran yahay , ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaalada xildhibaanka oo sharcidarro ku xiran, waxa ayna guddiga sheegeen in xildhibaanka lagu xadgudbay lana dhoorin xasaannadiisa.

Waxa ay guddiga xaquuqul insaanka Somaliland ku baaqeen in si deg deg ah xildhibaanka u helo caddaalad iyo xaquuqdiisa, waxa ayna tilmaameen in walaac hor leh keeneyso in xildhibaanka uu sii xirnaado isaga oon helin caddaalad iyo xaquuqdii uu lahaa.

Dhinaca kale hooyada dhashay xildhibaan Maxamed Abiib ayaa la sheegay in loo oggolaaday in xabsiga ku booqato wiilkeeda, waxa ayna xubno katirsan qoyska xildhibaanka sheegeen in xaaladiisa wannaagsan tahay, balse wajahayo caddaalad darro una xiran yahay dulmi iyo awood sheegasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xulka Ciyaartoyda 17-jirada Somalia oo dalka ku soo laabtay & RW khayre oo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug oo la Magacaabay

Caydiid Ali

MO Faarax oo Siwayn loogu soo dhoweeyay dalka Qadar (Daawo Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---