Allbanaadir.com
NEWS

In ka badan 100 qof oo qaxooti ahaa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Hay’add Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho  ku soo dhaweysay  107 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo sanadihii lasoo dhaafay qaxooti ku ahaa dalka colaadaha halakeeyeen ee Yaman.

Dadkan Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay oo isugu jiray haween, dhallinyaro, carruur, iyo dad waayeelo ah ayaa daruufo xooggan ku wajahayay dalka Yaman, waxa ayna dadkan go’aansadeen in dalkooda oo sanado badan ka maqnaayeen ay dib ugu soo laabtaan.

Dib u soo celinta dadkaan qaxootiga ku ahaa dalka Yemen ayaa waxaa ka shaqeeyay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), waxaana dib usoo celinta dadkan hay’adda gacan weyn ka siiyay   Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa markii ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa loo gudbiyay xarunta soo dhaweynta soo-laabtayaasha ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, waxaana la guddoonsiiyay deeq kala duwan oo aas-aas u ah noloshooda.

Dalka Yemen oo dagaallo sukeeye iyo xaalado dhinaca bini’aadannimada ka jiraan waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ku wajahaya, waxaana jira dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi ugu geeriyooday xaalada adag ee ka jira,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud oo Deeqo isugu jira Raashin Dhar & Lacag gaarsiisey Maxaabiista Xabsiga Dhaxe & Naafada Xoogga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guri Dabaq ah oo kuyaalla Muqdisho oo soo dumay iyo Gabar iyo Hooyadeed oo ….

Cabdi Cade

Fiqi:”Madaxweynuhu wuxuu furay maanta Golihii hanuuninta dadweynaha ee xiligii Kacaanka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---