Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaro ka dhashay dagaal dhax maray Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa SSC khaatumo ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gocondhaale, kaddib markii la sheegay in halkaasi soo weerareen ciidamada Somaliland.

Dagaalka xalay dhax maray ciidamada maamulka Hargeysa iyo kuwa Khaatumo ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo nin oo kamid ahaa labada dhinac, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dhoor qof kale, kuwaa oo xaaladooda lala tacaalayao.

Guddoomiyaha Gobolka Cayn ee maamulka SSC Khaatimo Cumar Akaabe, ayaa warbaahinta u sheegay in xalay ciidamo katirsan Somaliland oo ka yimid deegaanka Qori-lugud weerar kusoo qaadeen deegaanka Gocondhaale oo katirsan gobolka Ceyn.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada Khaatumo ay iska difaaceen weerarkaasi uga yimid dhinaca maamulka Somaliland, waxa uuna xusay in wali laga dareemayo aaga xalay lagu dagaallamay xiisad u dhaxeysa labada ciidan.

Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay is hor fadgiyay deegaanno dhaca xadka labada maamulka, waxaana jira cabsi laga qabay mar kasta in labada dhinac dagaal ka dhax qarxi karo, iyadoona dhinac kasta kan kasoo horjeeda eedeyn u jeedinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Caydiid Ali

Wiil Dhalinyaro ah oo 9 jeer isku sameeyay Qaliin is qurxin ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jabuuti oo dalkeeda ka ceyrisay Xildhibaan u ololeeya in Somaliland dowlad noqoto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---