Allbanaadir.com
NEWS

Yemen oo qabuuro u noqotay dayuuradaha Mareykanka

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa soo riday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper, sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh.

Afhayeenka kooxda Yaxye Sariic ayaa soo saaray warsaxaafadeed la xiriira howlgalka ay diyaaradan ku soo rideen, xilli ay ka waday galbeedka Yemen howlgal basaas.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii November ee sannadkii hore waa diyaaraddii 10aad ee nooca MQ-9 Reaper oo ay soo ridayaan Xuutiyiinta, mid kasta oo ka mid ah diyaaradan waxay joogta 32 milyan oo doollar.

Waxaa loo arkayay mid ka mid ah diyaaradaha ugu halista badan nooca aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh inay gantaallo culus xambaarto, sidoo kalena iyadoo ku duulaysa masaafo fog howlgallo fuliso.

Bishii Jannaayo sannadkii 2020 -kii diyaaradan waxay si layaab leh u fulisay weerar ka dhacay Ciraaq oo lagu dilay Qaasim Suleimani, mid ka mid ah hoggaamiyayaasha militariga ee ugu sarreeyay Iran, weerarkaasoo uu amray madaxweynihii hore Donald Trump.

Related posts

Ciidamada Ruushka oo gantaal ku bur buriyay Warshada Saliida sifeysa oo kutaala Ukraine

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo booqasho kharsoodi ah ku tagay furun dagaal (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kumannaan kun oo ruux oo raba in ay lug kusoo galaan Mareykanka oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---