Allbanaadir.com
NEWS

IGAD oo war cusub ka soo saartay xadgudubka Itoobiya

Xoghayaha Urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo maanta wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya” ayuu yiri xoghayaha.

Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax hagaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan” ayuu intaas raaciyey.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aasaasay urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Related posts

Xaalada uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow oo walaac badan laga muujiyey

Caydiid Ali

Saciid Ciise:”Farmaajo waxaa garabkiisa ka baxay labo dal oo doorashada ka taageerayey”

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo fasaxday shaqaalaha rayidka ah & Sababta ka dambeysa (Akhriso)

Caydiid Ali