Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal lala xiriiriyey Laftagaren oo lagu xanibay Garoonka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho, dawladda Faderaalka ayaa garoonka Aaden Adde ku xanibtay taliyaha guutada 9aad ee ciidamada ku sugan Xudur,

Taliyaha ayaa kasoo duulay Baydhabo, oo uu kaga qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay saraakiisha deegaanada kale duwan la yeesheen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, isagoo Xamar ka raaci rabay dayuurad kale oo ku sii jeeday magaalada Xudur.

Dadaal uu garwadeenka ahaa Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheikh Aaden Madoobe ayaa lagu guuleystay in Taliyaha & Ilaaladiisa xoriyadooda la siiyo, inkastoo laga reebay maanta duulimaadkii ay Xudur ku aadi lahaayeen.

Sidaasoo kale duulimaad diyaaradeed oo magaalada Baraawe geyn lahaa Wasiiro & Saraakiil ka tirsan Dawlad Koonfur Galbeed ayay diiday DFS diiday, taasoo muujinaysa sii kororka dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia & Koonfur Galbeed kaasoo ka dhashay ciidamada Itoobiya ee degaanadaas ku sugan.

Related posts

Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraarkii ka soo baxay Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali

Dad xaflad aroos kasoo laabtay oo ku dhammaaday Shil gaari oo dhacay

Cabdi Cade

Saciid Deni: “Mad-madowgii DF iyo dowlad goboleedyada meesha waa ka baxay”

admin
Taboola Ads ---