Allbanaadir.com
NEWS

Sababaha ay Itoobiya iskugu dhejineyso degaanka K/Galbeed

Aasaaseyaashii Soomaaliya oo ahaa aabeyaashii salka u dhigay qaranimada Jamhuriyadda Soomaaliya waxey dalka u qeybiyeen 8 gobol oo waaweyn, waxeyna ka dalbadeen gumeystahii Talyaaniga iyo Ingriiska iney gacan ka siiyaan sameynta qariidada dhuleed ee xuduudaha goboladaas, waxeyna cabsi badan ka qabeen gaar ahaan gobolka loo yaqaaney Jubadda Sare oo ka koobnaa saddex gobol oo ay dowladii kacaanka ay u qeybisay, kuwaas oo kala ahaa: Bay; Bakool; iyo Gedo.

Cabdulqadir Zoobe (AUN) ayaa walaac badan ku abuuray madaxdii gobonimadoonka ahayd iyo Xisbigii wadanaiga ahaa ee SYL, wuxuuna Zoobe uu aaminsanaa nidaamka federaalka oo saldhig looga dhigo deegaameynta qabiilka ku dhisan, wuxuu kaloo aaminsanaa in Talyaanigu sii haysto Soomaaliya mudo 30 sano ah marka laga bilaabo wakhtiga ay UN u qabatay in xoriyada lagu siiyo Soomaaliya oo ahayd 1960, wuxuuna ahaa siyaasi isticmaarka la jaal ahaa oo ka soo horjeedey gobonimada Soomaaliya.

Wuxuu Zoobe aaminsanaa in 6 milyan oo Talyaaniya lagu beero dhulka u dhexeeya labada webi ee Shabeele iyo Juba, taas bedelkeedana aysan Soomaalida kale aysan soo degi karin deegaanka dhulkaas oo uu doonayey iney u xirnaadaan oo keliya qabiilada dega iyo ajaanibta ay ogol yihiin iney la soo degaan, waxeyna ajaanibta uu si gaara uga soo dhoweysanayey si uu gaashaan uga dhigto inaan dhulkaas Soomaali kale aysan soo degin, waxeyna fikradahaas zoobe ay ku noqotay halgameyaashii Soomaliweyn waran wadnaha uga taagan.

Qorshaha ugu weyn ee u degsanaa halgameyaasha ayaa salka ku hayey in Itobiya aysan u suurtogelin damaceeda ay ku dooneysey mariin ay u soo marto biyaha Soomaaliya, waxeyna walaac badan ka qabeen gobolada Waqooyi Galbeed iyo Jubada Sare oo ugu muuqdey  deegaano u nugul damaca Itobiya iney meel marin karaan, balse waxey xoogga saareen koofurta Soomaaliya oo ay intooda badan ka soo wada jeedeen, iyagoo rumeysnaa ineysan awood badan ku lahayn saameynta gobolada waqooyi oo ay hididiilo gelisey madaxdooda oo ay arkeen iney rabeen Soomaliweyn.

Halgameyaashu waxey ka soo horjeedeen in fursad loo siiyo gobolka Jubada Sare inuu helo mariin badeed maamulkiisa hoos yimaada, kaas oo si toosa ugu xiran xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto Itobiya, waxeyna sidoo kale xaqiiqsadeen in gobolada shabeelada hoos iyo Shabeelada dhexe aan looga maarmeyn difaaca xayndaabka u ah caasimada Soomaaliya ee magalo madaxda Muqdisho, taas oo amni ahaan qasbeysey in loo baahanaa in gobolada ku hareereysan Muqdisho iney hoos yimaadaan maamulka gobolka Banadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa ah raisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre, waxaa la gudboon iney dib uga fiirsadaan ka mid ahaanshah gobolka Shabeelaha Hoose inuu ku sii hoos jiro maamulka Koofur Galbeed oo sidii ay halgameyaashii horay u saadaaliyeen ay dhacday hadda in madaxdeedu ay ku xiran yihiin Itobiya, iyo weliba sidoo kale in Gobolka Shabeelaha Dhexe uu isaguna ka sii mid ahaado maamulka Hirshabelle, waxeyna tilaabadaas Gobolka Hiiraan ay fursad u siineysaa iney madaxbanaani ku noqdaan maamul goboleed iskiis u taagan.

Itoobiya ayaa qorshaheeda ugu weyn wuxuu ahaa in Jubada Sare ay ka sameysato saldhigyo ciidan oo ay ku hirgeliso heshiisyo saaxiibtinimo oo kala dhexeysa Soomaaliya, iyadoo taas meel marintooda u mareysa madaxda ay u qorsheysatay iney dalka iyo deegaanka ay u maamulaan, waxeyna heshiisyadaas ugu talagashay iney sii wadi doonto xataa haddii uu xumaado xiriirka labada dal ka dhexeeya, iyadoo damaceeda u mareysa iney si xoogga ku hirgelin doonto, meel marintoodana u cuskaneysa iney raacsan yihiin xeerarka u degsan caalamka.

Sababta ay Itobiya u damaacineyso deegaanka Koofur Galbeed ayaa salka ku haya, ka sokow helitaanka mariin dhul-badeeda oo ay ka dooneyso deegaankaas, iney taas u wehliso iney ka hesho waxyaabo ay qiil uga dhigan karto oo ay ugu adeegsan karto hanjabaaadyo ay ku cabsi gelin karto magaalo madaxda Soomaaliya oo wax ka yar nus saac ay dayaaradaheeda dagaalka ay ku soo gaari karaan haddii ay dhacdo iney saldhigyo ciidan oo waaweyn ay ka sameysato deegaanada Koofur Galbeed oo xuduuda la leh Itobiya, iyo gaar ahaan kuwa aadka ugu dhow difaaca amniga xayndaabka Gobolka Banadir, sida Buur Hakaba.

Madaxweyne Xasan isagaa sabab u ahaa in gobolka Shabeelaha Hoose lagu daro oo la raaciyo maamulka Koofur Galbeed, meesha taas bedelkeeda ay ahayd in la raaciyo gobolka Gedo, waxeyna taas ay u ahayd talaxumo hogaamintiisa dhaawacday mudo xileedkiisii hore, balse waxaa hadda u muuqata fursad uu ku fahmi karo khatarta ay xambaarsaneyd wixii markaas looga digayey, wuxuuna uu hadda haystaa meelmarinta u fursad labaad uu dib ugu helayo inuu uga noqdo go’aankii hore oo uu sida qaldan uu ugu madaxadeygay, kadib markii uu taloxumadaas sameeyey isaga oo caadifad siyaasadeed ku beerlaxawsanayey dadka ka soo jeeda gobolka Bay iyo Bakool.

Waxey meelmarinta tilaabadaas ay xal wanaagsan u tahay dhismaha Gobolka Banadir oo ay dadkiisu yeelanayaan xuquuqda metelaada ay ku wada leeyihiin deegaankooda iyo goleyaasha Barlamaanka Soomaaliya, waxeyna taas horseedeysaa in Gudoomiye Guudlaawe uu si ku meel gaara uu u sii hayo xilka gudoomiyaha Gobolka Banadir inta laga gaarayo doorasho qof iyo coda oo laga wada qabto dhamaan deegaanada hoos yimaada maamulka cusub ee Gobolka Banadir.

Maqaamka magaalo madaxda Muqdisho waxaa lagu soo koobi karaa degmooyin kooban oo ay dowladda dhexe iyo diplomaasiyiinta caalamka ay degen yihiin, kuwaas oo hoos imanaya maamul ay dowladda dhexe u soo magacaabeyso, meesha degmooyinka kale oo horay magaalada Muqdisho uga tirsanaa ay noqonayaan kuwo ka tirsan maamulka cusub ee loo sameynayo Gobolka Xamar, kuwaas oo ku biiraya maamulka cusub ee loo sameynayo dowlad goboleedka Banadir, waxeyna degmooyinka ka soo go’ay magaalada Muqdisho ay metelaadooda ka dhex helayaan maamul goboleedka cusub ee  Banadir.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Daawo Sawirada: Magaalada Muqdisho oo labo qeyb u kala xiran

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay Qorsheyaal lagula dagaalamayo Musuq maasuqa

Cabdi Cade

Cumar Finish oo ka careesan in Jaadka Kenya lagu iibiyo Degmo katirsan Muqdisho

Cabdi Cade