Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaas C/llaahi (Sawirro)

Madaxwaynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo Tacsida AUN Ugaaska Murusade ayaa Saxiixay Buugga Tacsida Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cade.

Madaxwaynaha ayaa u tacsiiyay ehelka, Qoys, Qaraabada iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed  geerida ku timid ugaas Abdullahi Waxaa uuna Allah uga baryay in Janatul Firdowsa ka waraabiyo Ugaaska

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu  Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha”

Related posts

Kenya oo amaro adag ku soo rogtay dadka aan qaadanin talaalka COVID-19

Caydiid Ali

(Sawirro) Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo Video:-Ninkii ugu horeeyay ee Alifay dayuuradaha lagu duulo illaa maanta

admin
Taboola Ads ---