Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo soo bandhigay xubno kasoo goostay Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ruunirgood ee gobolka ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , ayaa warbaahinta u soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo ay katirsanaayeen.

Labada nin ay ciidanka soo bandhigeen oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Xasan (Dhuxulow)  iyo Axmed Maalin Cabdulle (Bukabuka) ayaa sheegay in ay goáansadeen in ay kasoo baxaan kooxda Al Shabaab , oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen muddooyinkii lasoo dhaafay.

Raggan ciidanka ku sugan Ruunirgood soo bandhigeen ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uga soo biireen gobolka Baay ay kasoo jeedaan, waxa ayna xuseen in ay kasoo qeyb qaateen dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolada dalka qaarkood.

Waxa ay sheegeen in Al Shabaab dhaxdooda ka jirta dhibaatooyin badan ayna goáansadeen in ay ka faaíideestaan cafiska dowladda isna soo dhiibaan, waxa ayna xubnaha kale ee kooxdaasi katirsan ugu baaqeen in ay nafsadooda kala soo cararaan Al Shabaab iskuna soo dhiibaan dowladda.

Dhinaca kale Maslax Maxamed Aadan oo oo isna katirsanaa Al Shabaab ugana soo biiray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay , ayaa isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee sugan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Ninkan ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uu katirsanaa muddo lano sanno ah uuna katirsanaa kooxda jabhadaha ah, waxa uuna sheegay in isaga goáansaday in uu kasoo baxo duurka iskuna soo dhiibo ciidanka deegaanka ee ku sugan Xarardheere/

Xubnaha kooxda Al Shabaab kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka dowladda ayaa muddooyinkii dambe sii kordhayay, dowladda ayaana xubnaha kasoo goosta Al Shabaab geesa xarumo dhaqancelin ah oo dadkaasi lagu xareeyo , si looga beddelo fikirkii Al Shabaab horey ugu shubeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagaya Magaalada Asmara

Caydiid Ali

Boqortooyada Saudia Arabia oo xabsiga ka sii deysay Nasima Al-Sada

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Isbitaalka Garoowe ku booqday dhaawacyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---