Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo saakay kasoo korxdhay xaalada Garoonka Boosaaso

Waxaa shalay xiisad ka jirtay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii halkaasi loo diiday in ay ka degaan diyaarado rakaab siday oo la sheegay in ay ku wajahnaayeen garoonkaasi.

Maamulka Puntland ayaana beeniyay in uu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana war kasoo baxay wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland lagu shaaciyay in garoonka uu furan yahay ayna been tahay in uu xirmay.

Wararka aan saakay ka heleyno garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay dhirkada Daallo Airlines  ka degtay garoonkaasi, diyaarada ayaana waday rakaab kusii jeeday Boosaaso, waxa ay sidoo kale ka qaaday magaalada rakaab kale oo Muqdisho kusii jeeday.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa laga dareemay xaalad amni, kaddib markii dhawaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF soo saareen digniin ku wajahan garoonka oo ay sheegeen in iyaga loo diidsay in ay adeegsadaan .

Xiisad u dhaxeysay ciidamada PSF iyo ciidamada kale ee ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa maalmahan ka taagan magaalada Boosaaso, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin Madaxiisa la dul dhigay Hal Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog ku aadan Liiska ugu horeeya Musharaxiinta Aqalka Sare ee Qoor Qoor soo saarayo

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka careesan Xaqiraad uu kala kulmayo Madaxtooyada!!

admin
Taboola Ads ---