Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi sare oo ka socday urur goboleedka IGAD, waxaana wafdiga dalka soo gaaray hoggaaminayay xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan ayaa wafdigan IGAD ka socday kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana wafdiga loo galbiyay gudaha magaalada Muqdisho .

Wafdigan ka socda urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in kulamo la qaataan Madaxda dalka ugu sarreysa sida Madaxweynaha iyo Raísul Wasaaraha, iyaga oona labada dhinac kawada hadli doonaan xaalada siyaasadeed ee gobolka iyo qorshaha wax ka beddelka ciidanka ATMIS.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale la filayaa in Madaxda dalka kala hadlaan xiisada  Suudaan sidii xal loogu heli lahaa, waxaana kulankan ka horeeyey mid Kenya ku dhexmaray Xoghayaha fulinta IGAD iyo wasiirka arrimaha dibada isbuucyo kahor , kaas oo ay dhinacyadu is faham kaga gaareen is maandhaaf u dhaxeeyey.

Safarka wafdiga IGAD ka socda ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa imaanaya maalin uun kadib markii ay dowladaha Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dibu qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidankooda ku duullay Dalka Ukraine

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd IGAD iyo hal arrin oo sabab u noqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---