Allbanaadir.com
NEWS

Raísul Wasaare Xamse oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaaskii Beesha Murusade

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaaska beesha Murusade  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Guriga ay taalo gogosha tacsida Ugaaska beesha Murusade, ayaa sidoo kale waxaa tagay oo qoyska u soo tacsiyadeeyay Raísul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble , kuwaa oo dareenka murugada la qeyb saday qoyska iyo qaraabada Ugaaska.

Ugaaska beesha Murusade ilaah ha u naxariistee ayaa maalintii Jimcaha ku geeriyooday magaalada Barrakeysan ee Makka Al Mukarrama, waxaana Ugaaska lagu aasay qabuuro kuyaalla magaalada Makka , waxaana geerida Ugaaska ka naxay kana tacsiyadeeyay madax kala duwan iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog cusub oo laga bixiyay qaabkii loo dilay Bilaal Al-Sudani iyo kooxdii dilkaasi fulisay

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku leysay Dr. Hassan Hamdan & qoyskiisa

Caydiid Ali

Rooble oo Magacaabay guddi ka kooban 7 Wasaaradood (Maxaa loo xilsaaray)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---