Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saladhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdi Casiis Cismaan Maxamed (Sadaam)
Ninkan ayaa ku eedeysan in uu ceejo ku dilay Marxuumad Khadiijo Cabdi Maxamed oo 20 jir aheyd taasoo haasaawo Jaceyl uu kala dhaxeeyay.
“Waxaa socoto baarista Boliiska waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraalka.
Laguma sheegin qoraalka sababta uu ninkan u dilay jaceylkiisa iyo xiliga uu falkan dhacay, waxaana hadii uu ku cadaado dembigan uu muteysan karaa ciqaab dil ah.