Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa soo bandhigay faahfaahinta weerarka ay saaka ku qaadeen Israa’iil, iyagoo gantaallo ku garaacay Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato.
Wuxuu sheegay inay beegsadeen bartilmaameedyo saldhigyo militari iyagoo adeegsanaya gantaal cusub oo hypersonic ballistic ah, oo kaliya 11 daqiiqo inuu ku socday 2,400 km si uu u gaaro bartilmaameedka.
Yaxye Sariic, wuxuu tilmaamay in weerarkan uu muujinayo sida ay u horumariyeen nidaamkooda gantaallada, isagoo markaa sheegay kaliya nidaamka difaaca Israa’iil inaysan ku guul-darraysan inay qabtaan gantaalkan ee sidoo kale maraakiibka dagaalka Mareykanka iyo Ingiriiska oo ay dulmariyeen gantaalkan inay ku guul-darraysteen qabashadiisa, kuwaasoo halkaa u jooga inay ka hortagaan weerarrada Xuutiyiinta.
“Israa’iil waa inay filataa howlgallo kale oo muhiim ah , sababtoo ah waxaa soo dhow sannad-guurrada koowaad ee weerarkii Xamaas ee 7 Oktoobar.” ayuu yiri afhayeenka.
Saraakiisha difaaca Israa’iil ayaa baaraya waxyaabaha u fududeeyay gantaalkan inuu ka soo gudbo nidaamkooda difaaca, isagoo aan xataa laga arag raadaarrada oo aysan wax diginin ah bixin, sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.