Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo arrin xasaasi ah kala shiray Saraakiisha XDS

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Al shabaab looga soo afjari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Al shabaab looga xorreyn lahaa goobaha yar ay kaga hareen gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa in Al shabaab laga saaro inta badan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Related posts

Axmed Madoobe oo arin Muhiim ah kala hadlay Anita Kiki iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Zelensky oo shaaciyay tirada ciidamada Ruushka uga dileen dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Mooshin xil ka qaadis ah oo laga diyaariyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---