Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay James Swan

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Related posts

Puntland oo 8 Shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga (Akhriso)

Cabdi Cade

Jahwareer ka taagan qaar kamid ah garoomada Diyaaradaha ee Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kenya ma ku heli kartaa, ruqsa bixinta baarista shidaalka, xuquuqda Dhul-Badeed aysan lahayn?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---