Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka carootay hadal ka soo yeeray Wasiir Fiqi

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia Nebiyu tedla ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed macalin Fiqi ee ku saabsanaa in la taageero jabhadaha Itoobiya ku kacsan.

“Waa ikhtiyaar iyo albaab u furan Somalia in lagu taageero kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda “taliska” Itoobiya haddii ay Itoobiya hore ugu dhaqaaqdo heshiiska muranku ka taagan yahay ee ay la gashay Somaliland” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mar uu ka hadlayay doodda TV-ga Universal.

Nebiyu tedla ayaa ku tilmaamay hadalkaas mid majaajillo ah isagoo ku eedeeyey wasiirka inuu dano qabiil u adeego

“Waa wax lagu qoslo in wakiillada Shabaab oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed aan ka talin karin meel dhaafsiisan gobolka Banaadir ay aflagaadoodaan iyaga oo hoos jooga qaranimo daciif ah oo ay gadaal ka riixeyso nidaam dowladnimo dhexe oo qabiil ku saleysan. Dad noocaan oo kale waxay wiiqayaan horumarka ay sanadaha badan soo gaareysay Soomaaliya iyagoo horseedi kara kala qobqob” ayuu yiri afhayeenka.

Xiriirka Somalia iyo Itoobiya ayaa maraya halkii ugu hooseysay muddo sanado ah ka dib heshiiskii isafgaradka ee Itoobiya la gashay Somaliland kaasoo xad gudub qaawan ku ah midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya

Related posts

Faahfaahin: Dilkii Xalane loogu geystay Elmaas Elman & Sawir-qaade la socday oo..

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Heer Federaal oo Digniin adag u diray Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo shaaciyay in hal milyan oo Dagaalyahano ah uu qoran karo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---