Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Boeing oo xaalad adag ku jirta iyo shaqaalaheeda oo ku dhegan

Guddi dhex-dhexaadin oo ka socda Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa Jimcihi sheegay, in madaxda shirkadda sameysa diyaaradaha ee Boeing iyo ergada ururrada shaqaalaha ay miiska gor-gortanka ku soo laaban doonaan horraanta todobaadka soo socda.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki ay Jimcihi ururka shaqaalaha shirkadda Boeing ku dhawaaqeen shaqa joojin. Shaqa joojinta ayaa ka dhalatay qandaraas kordhinta cusub ee shirkadda oo ay ku qanci waayeen shaqaalaha.

Hey’adda Dhex-dhexaadinta iyo Heshiisiinta Dowladda Federaalka ayaa qoraal ay shalay gelinki danbe soo saartay ku sheegtay, in ay isugu yeertay dhinacyada kaddib marki ay is kala gaar gaar ah ula hadashay.

In ka badan 30,000 oo qof oo xubno ka ah Ururka Shaqaalaha ee loo soo gaabiyo IAM, oo ah shaqaalaha farsameeya diyaaradaha loogu iibsiga badanyahay shirkadda Boeing oo ay ku jirto nuuca 737 MAX iyo kuwo kale ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday qandaraaski ugu horreeyay ee shaqo kordhin oo ay shirkadda soo bandhigto muddo 16 sano ah.

Shaqaalahan ayaa ka shaqeeya xarumaha Boeing ee magaalooyinka Seattle iyo Portland ee dalkaan Mareykanka. Waxay wacad ku mareen in ay u dagaallami doonaan mushaar kordhin noloshooda kaabi kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeer dalka Kenya ku dishay Dalxiise doonayay in uu Sawir ka qaado

Cabdi Cade

Ciidamo Carbeed iyo kuwa ka socda Israa’iil oo dhoolatus wadajir ah sameeyay !

Cabdi Cade

Isimada Puntand oo 8 qodob ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Boosaaso (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---