Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ,waxaa xalay wadahadallo xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye .
Kulanka ay yeesheen madaxda labada maamul ay wehliyeen masuuliyiin kale ayaa looga wadahadlay arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen iskaashi dhinaca amniga oo dhaxmara labada maamul , nabadeynta iyo is dhaxgalka bulshada labada maamul.