Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon la dilay xilli uu salaad kasoo baxay iyo ninkii dilay oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay nin nabadoon ah oo kamid ahaa waxgaradka magaalada ku dhaqan.

Nin midni ama toorey ku hubeysnaa ayaa nabadoon Xasan Dhagnaas ku dilay afaafka hore masaajid uu salaada Jimcaha kusoo dukaday, waxaana la sheegay in ninkan dhowr toorey la dhacay nabadoonka.

Dadkii ka agdhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa falkan aad uga argagaxay, waxaana dadka shacabka ah ku adkaatay in ay qabtaan ninka dilka geestay oo daqiiqado badan ku sugnaa goobta uu dilka ka geestay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geestay, waxa ayna saraakiisha ammaanka sheegeen in la baarayo sababta keentay dilka uu ninkan u geestay nabadoonka.

 

Related posts

Daawo Sawirada : Qaraxii lagu Dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland

Cabdi Cade

(Sawirro) Shirkadda cusub ee dayuuradaha ROYAL AIR oo laga daah furay Muqdisho

Caydiid Ali

Rooble oo digniin ka soo saaray boobka lagu bilaabay doorashada Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---