Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaaska Murusade

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu  Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Related posts

Maxaa Keenay in Gobolka Sh/dhexe ay Shabaab kusoo fidaan (Ogow xaqiiqada)

Cabdi Cade

Shacabka Tigrey oo loogu baaqay in hubka qaataan una diyaar garoobaan dagaal 

Cabdi Cade

James Swan oo Deni kala hadlay xalinta khilaafka Puntland & DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---