Allbanaadir.com
NEWS

Amniga Madaxweyne Putin oo sare loo qaaday ka dib Markii..

Amniga Madaxweyne Putin ayaa sare loo qaaday  sida laga arkay kulamadii u dambeeyay ee uu ka soo muuqday, iyadoo laga soo xigtay ilo saraakiisha Ruushka in laga hortagay isku dayo lagu doonayay in lagu dilo, taasoo dhalisay isbeddelo lagu sameeyo nidaamkiisa ilaalada.

Booqasho uu ku tagayo Turkiga ayaa dib loo dhigay illaa saddex jeer, sababo la xiriira inuu Putin dalbaday Moscow illaa Ankara inay la socdaan diyaaradahiisa dagaalka, taasoo ka dhigan raadarrada NATO inay arkayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka oo ku jira hawadooda, sida uu sheegay wargeyska Middle East Eye oo xiganaya saraakiil Turki ah

Si la mid ah Putin ayaa diidday inuu deggo hoteellada Ankara oo kuwa ugu weyn ay leeyihiin reer galbeedka gaar ahaana saddexda hotel ee ugu sarreeya oo kala ah ; Sheraton, JW Marriott iyo Hilton oo ah ganacsi uu Mareykanka leeyahay, isbeddelka lagu sameeyay nidaamka amni ee Putin ayaa ah mid aan ku jirin hab-maamuska degsan ee dalalka

Arrintaas waxay dhalisay in Turkiga uu dooddo ka leeyahay shuruudaha uu ku imaan karo Ankara Putin, waxaa jira isku dayo inuu toddobaadka u horreeya Oktoobar booqashada ay billaabato. Markii u dambeeyay ee Ankara uu ku tago booqasho qaran oo rasmi ah waxay ahayd 2014-kii.

 

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo farriin u diray taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabelle

Cabdi Cade

Qoys Tanaadnimada ka doorbiday inay Tuugsadaan iyo hal arrin oo Sabab u noqotay!

Cabdi Cade

Shir lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah Amniga oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade