Allbanaadir.com
NEWS

DF oo digniin kama dambeys ah u dirtay Itoobiya

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii ay Itoobiya ku sii socoto dhaqangalinta Is-afgaradkii Muuse Biixi ay ka dhigan tahay, dagaal iclaamin cad oo ay Soomaaliyana ka jawaabayso, iskana difaacayso xadgudubka madax banaanideeda ee Itoobiya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa cadeeyey inay Soomaaliya qaadayso talaabooyin adag oo ku difaacanayso dalkeeda ayna haysato ciidan iyo awood ku filan, oo ka hortagaysa damaca Itoobiya.

Cali Balcad ayaa sheegay in aysan wali ciidanka Masar tagin Soomaaliya, balse ay sugayaan waqti dhaw inay yimadaan, si ay qeyb uga noqdaan Amniga gudaha & difaaca madax banaanida Soomaaliya taasoo buu yiri ay codsatay dawladda Faderaalka.

Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in ay Masar geysay Muqdisho saanad milateri dhawaan, looguna talo-galay in loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada & cid kasta oo ku soo xadgudubta madax banaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa cadeysay in ay Masar u ogolaadeen in ay gudaha Soomaaliya ka dagaalamaan ciidankooda, ayna qeyb ka noqdaan difaaca madax banaanida Qaran ee Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa soo iibsatay hub culus oo ay ku jiraan dayuuradaha dagaalka, taangiyo iyo qalab kale kuwaasoo qaarkood ay ugu yabooheen qaar ka mid ah dowladaha Saaxiibka la ah Somalia.

Related posts

Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin iyo xubno kale ay fashilanayaan Shirka Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Khayre: “Inaan is dhageysano marka la kala aragti duwan yahay ayaanu ku heshiinay”

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Ku-simaha Madaxweynaha & danjire David Concar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---