Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed
Kulammadan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha D/goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa qeyb ka ah socdaalka Raiisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu yahay xoojinta nabadda, wadajirka Bulshada , iyo horumarinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada kala duwan ee bulshada lagu dhiirrigelinayo in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda, difaac Qaranimadda si loo gaaro Soomaaliya nabaddoon oo horumarsan.
Raiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com