Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay doorka ay dhaqanku ka qaateen dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo bulshada.

Kulanka oo uu ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray sidii ay odayaasha dhaqanka gacan uga geysan lahaayeen nabaddeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo xallinta khilaafaadka bulshada, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga fadhiyo kaalintooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo gobanimda ummadda Soomaaliyeed, meelna looga soo wadajeesto wax walba oo dhaawacaya wadajirka bulshada.

Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda dowlad-dhisidda iyo taabbagelinta hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad bilawday in ay xabsiga dhigto dadka aan afka iyo sanka xiran !!

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo go’aan ka gartay eedeysanayaal la hor keenay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Cadaadis la saaray iyo Sheekh Aadan Madoobe oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---