Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore oo caan ahaa oo geeriyooday iyo gabadhiisa oo …

Madaxweynihii hore ee dalka Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse marki danbe xabsi u galay gududubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadi geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Madaxweyne Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku leedahay ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-ki.

Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof. Wuxuu kaloo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa marki danbe Madaxweyne Fujimori  loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah xaquuqda  aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro ka dhalatay cod sir ah oo laga duubay Wasiirka arrimaha dibadda Iran

Caydiid Ali

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Tirinta cododka Doorashadii ka dhacday Puntland oo si habsami leh u socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---