Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Danjire Olgan Bakar

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haddiyado guddoonsiiyay safiir Olgan Bakar ayaa uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

“Waxa aan maanta kulan sagootin ah u sameeyey danjire Olgan Bakar oo muddadiisii loo soo magacaabay Dalkeena ay soo idlaatay. Waxa uu uu kaalin muhiim ah ka qaatay adkeynta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Mahadsanid Olgan Bakar, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma illoobi doonaan garab istaaggii aad muujisay muddadii aad ka howl-galeysay Soomaaliya”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Turkiga u qaabishanaa Soomaaliya, Olgan Bakar, ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii ahaa safiirka, iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Taliye kuxigeenadii NISA ee xilka laga qaaday oo xil cusub loo magacaabay (Akhriso)

Cabdi Cade

Dal ka tirsan Afrika oo qarka u saaran inuu ka dhaco xasuuq la mid ah kii Rwanda

Caydiid Ali

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---