Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay goob maqaayad ah iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay barqadii ka dhacay maqaayad kutaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana qaraxan la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maqaayada qaraxa saakay ka dhacay ayaa la sheegay in ay joogeen dad shacab ah iyo askar katirsan ciidanka dowladda, waxaana qaraxa uu ahaa mid si weyn jugtiisa looga maqlay degmada Ceelwaaq qal qal badana dadka ku abuuray.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa miino uu ku dhintay hal qof , waxa uu sidoo kale sheegay in dad kale dhaawacyo kasoo gaareen, waxa uuna xusay guddoomiyaha in ay socdaan baaritaanno ku aadan qaraxan iyo ciddii ka dambeysay.

Qaraxyada miino ayaa inta badan lagu qariyaa maqaayadaha yar yar ee laga cunteeyo, kuwaa oo la sheego inta badan in ay fadhiistaan askar iyo dad shacab ah , dadka qaraxyadaasi maleega ayaana inta badan ka baxsada gacanta laamaha ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo Turkiga loo qaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay Dhismaha Cusub ee Madxafka Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Gegida Diyaaradaha magaalada Baraawe – Maalgelin Mise Musuq ? !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---