Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo si adag u beenisay eedeymo culus oo uga yimid reer Galbeedka

Dowladda Iran ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya dalka Ukraine ku taageereen hub culus , waxaana si gaar ah Iran waddamada reer Galbeedka ugu eedeeyeen in Ruushka siiyeen gantaalo nuuca balastikada ah.

War kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in xogo sirdoon ay heleen tilmaameyso in xukuumadda Tehran ku taageeray Ruushka hubka balastikada ah, waxa ayna sheegeen in hubkaasi dhibaato xooggan loogu geesanayo dadka reer Ukraine.

Midowga Yurub ayaana sheegay in baaritaanno ku socdaan eedeymaha ka dhanka ah dowladda Iran, waxa ayna ku hanjabeen haddii ay Iran ku cadaato in hub culus ku taageereen ciidamada Ruushka in lagu soo rogi doono cunaqabteyn dheeraad ah.

Dhinaca kale dowladda Iran ayaa si adag u beenisay eedeyntan uga timid Midowga Yurub ee ah in ay hub ku taageereen Ruushka, waxa ayna Iran sheegtay in kuwa hadda eedeynaya in ay yihiin kuwa hubka ugu badan u dhoofiya dowladda Ukarine oo dagaalka qeybta ka ah.

“Waxaan si adag u diidaynaa sheegashada ku saabsan in Iran ay door ku leedahay hub loo dhoofiyo dhinac ka mid ah dagaalka, “Kuwa eedeynaya Iran waa kuwa ka mid ah dhinacyada hubka ugu badan u dhoofiya dhinac ka mid ah dagaalka, Xukuumadda Tehran qeyb kama ah dagaalka Ukraine” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Nasser Kanani.

Dowladaha Ruushka iyo Iran ayaa leh xiriir dhaw oo saaxiibtinimo, waxaana labada dal haddaba saaran cunaqabateyn ay kusoo rogeen dowladaha reer Galbeed, waxaana Iran marar badan la sheegay in Ruushka ku taageereen hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Goordhaw lala eegtay xubno katirsan guddiga Doorashada Heer federaal

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen

Cabdi Cade

Puntland oo dalkooda ku celisay 50 qof oo Muhaajiriin ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali