Allbanaadir.com
NEWS

Shirka guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda ee FGC oo la qabtay

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Bangiga dhexe, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, maareeyaha Dakadda Muqdisho, Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Xubno matalayay Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Intii uu socday shirkan  waxaana diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamulka Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka iibka qaranka.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka maareynta maamulka maaliyadda guud, waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiirka in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo kobcin lahaa daqliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliska oo hal qodob kala dardaarmay ciidamo dhowaan tababar loo furay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney Aqalka sare u adeegsatay faragelinta Galmudug

Caydiid Ali

Rooble iyo Madax kale oo Salaada Janaasada ku dukuday Meydka Xildhibaan Aamina (Sawirro)

Cabdi Cade