Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kahadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu xildhibaanadii dhawaan hadlay ee DFS ladareen yahay, uuna ku waafaqsan yahay hadalkii ay ka sheegeen in dagaal lasoo xawilay oo u dhexeeya Masar iyo Itoobiya aysan degaanadoodu qaadi karin.
Halka SYL ay u joogtay Soomaaliya ayuu sheegay inay Koonfur Galbeed u joogaan xildhibaanada Golaha shacabka ee ka soo jeeda Koonfur galbeed oo buu yiri muujiyey metelaad dhab ah.
Mudanayaasha golaha shacabka ee deegaankiisa laga soo doortay ayaa dhawaan diiday heshiiska Masar & Soomaaliya, sheegayna in aysan aqbali karin dagaal aysan sababtiisa laheyn oo u dhexeeya dalal kale oo danahooda isku heysta.
Laftagareen ayaa sheegay in hadalado xanaf leh oo qiyam xumo ah bulshadooda loo geystay, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin “Hadii midnimo iyo dowladnimo la diido waa la kala tagayaa” ayuu yiri laftagareen oo hadalkan ka jeediyey xiloi uu maanta ku laabtay Magaalada Baydhabo oo kaga maqnaa safar dibeda ah.
Midnimada & Dawladnimada Faderaalka ee Soomaaliyeed, Koonfur Galbeed ayay ka bilaabataa kuna dhamaataa, haddii iyada la diidana cid iyo qabiil qabiil u haya Midnimada ma jiro, Shahaado wadaniyada ee Beel gaar ah bixiso, waa la arki doonaa, Xildhibaanada KG qabiil uma hayaan Xasaanaddee shacabka Koonfur Galbeed ayay dirsaday oo ay matalaan” ayuu yiri Madaxweyne Laftagaren oo ka hadlayay Baydhabo.