Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ay diyaarisay Al-Shabaab oo la fashiliyey

Ciidamada Darawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee uu fadhigoodu yahay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa maanta fashiliyay qarax miino

Qaraxan ayaa la galiyey wadada u dhaxeysa deegaanka Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay iney heleen xogta qaraxa Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaateyaan shacabka isticmaala wadooyinka taasoo ugu dambeyn suura galisay in laga hortago.

Ciidamada daraawishta Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Xoogga dalka ayaa dhowaan Al shabaab kala wareegay degaano badan oo ku yaalla hareeraha magaalada Kismaayo sida degaanka Buulo Xaaji.

Dagaalyahano ka badan 100 ayaa la dilay markii dhowaan Al shabaab ay isku dayeen iney dib u qabsadaan degaanka Buulo xaaji iyo meelo kale oo laga saaray.

Related posts

(Sawirro) Dr. Biday oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Somaliland oo sharci kasoo saareysa dadka deegaanadeeda ku dhax qaata Calanka Somalia

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Hormuud Telecom oo sanadkii 2aad qaaday imtixaanka deeqda waxbarasho.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---