Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo maanta si weyn loo soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddisa, ayaa si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu dib ugu laabtay.

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baydhabo ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga hortagay garoonka diyaaradaha, waxa ayna halkaasi ugu soo dhaweeyeen si aad u sarreysa.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo garoonka kula hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad ugu mahadceliyay, waxa uuna ka hadlay hadallo xanaf leh uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay kasoo yeerayeen magaalada Muqdisho.

Laftagareen ayaa sheegay intii uu dibadda ku maqnaa magaalada Muqdisho kasoo yeerayeen hadallo xanaf leh uu tilmaamay in dadka Koonfur Galbeed in lagu jaa’ifeenaayay , waxa uu xusay in hadallada Muqdisho kasoo yeerayay wax u dhimayeen midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaana si weyn ugu mahadceliyay xildhibaannadii Koonfur Galbeed ee taageeray dibadbaxyadii ciidamada Itoobiya lagu taageerayay, waxa uuna sheegay in xildhibaannadaasi ula mid yihiin 13-kii dhallinayro ee SYL, isaga oo xusay in xubnahaasi Muqdisho loogu geestay hanjabaadyo .

Soo dhaweynta maanta magaalada Baydhabo loogu sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed , ayaa u muuqatay mid dhoolotus ah uu ku muujinayay in uu wali heesto taageerada shacabka deegaannada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waare oo dowlada Somalia ugu baaqay iney Itoobiya kala hadasho arrin Muhiim ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Ambo baxay furumaha Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee NISA oo shaaciyay tirada Al Shabaab looga dilay Masaajid Cali Gaduud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---