Allbanaadir.com
NEWS

Nin dhacay Shidaal ay laheyd Dowladii hore oo hadda dib usoo celiyay (Sawirro)

Muumin Fiidow Rooble oo ah 85 sanno jir kunool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa go’aansaday in dib gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo celiyo 50-litar oo shidaal ah uu bililiqeestay xilligii dowladii Maxamed Siyaad Barre bur burtay.

Ninkan odayga ah oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas, ayaa sheegay in uu go;aansaday in dib isaga soo celiyo xoolaha xaaraanta ah uu horey u qaatay, waxa uuna xusay in uu wareestay culimada loona sheegay in kaliya shidaalkaasi ku wareejin karo dowlad sidaasna uu hadda sameeyay.

Shidaalka 50-ka liitar uu horey u qaatay Muumin Fiidow Rooble ayuu geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxa uuna shidkaalkaasi ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas , oo isna ka guddoomay shidaalkaasi horey looga bililiqeestay dowladdii Siyaad Barre.,

”Aniga oo ah Muumin Foodow oo kunool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabbo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50-litar ,culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad lahreyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow.

Dad badan ayaa boobay hantidii dowladda laheyd markii ay dhacday dowladii Madaxweyne Siyaad Barre, waxaana aad u yar dadka qirtay qaladkaasi ay galeen go’aanna ku gaaray in dib usoo celiyaan hantidii dowladda laheyd oo ay dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo danjire Francisco Madeira? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---