Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay, dagaal ciidamada ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu booliis iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ku dhax maray deegaanka Cadaadle ee katirsan gobolka Shabeelle.
Ciidamada Liyuu booliis ayaa la sheegay in deegaanka Cadaadle u tageen xiisad halkaasi ka taagneed, waxaana halkaasi ciidamada markii ay gaareen dagaal la galeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay i ay ku sugnaayeen deegaankaasi.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu booliis iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa ka dhacay deegaanka Cadaadle, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray shacabkii deegaanka ku sugnaa iyo dhinacyadii dagaallamay.
Sida aan wararka ku helnay ku dhawaad 20-qof ayaa ku dhintay dagaalka ay qeybta ka ahaayeen ciidamada Liyuu booliis ee ka dhacay deegaanka Cadaadle, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay dagaalka , kuwaa oon qaarkood helin daryeel caafimaad.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu booliis in ay weerar kusoo qaadeen , waxa ayna sheegeen in halkaasi ciidamada ku laayeen dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan , sidoo kale jiraan dad kale aysan ilaa hadda heyn nolol iyo geeri.
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan si rasmi ah uga hadlin dadka shacabka ah ee lagu dilay deegaanka Cadaadle , waxaana wali lasoo tabinayaa in deegaanka ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada Liyuu booliis iyo maleesgoyaadka deegaanka Cadaadle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com