Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo duqeymo khasaaro geestay ku qaaday xarumo kuyaalla Syria

Duqeymo culus oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Israa’iil ayaa xalay lagu garaacay xarumo kuyaalla dgulka baadiyaha Xama ee dalka Syria, waxaana duqeymahan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay duqeymaha Israa’iil ka geesatay dalka Syria waxaa ku dhintay 14-qof , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof, dadka dhaawacyada so gaareen ayaa la sheegay in 6 kamid ah ku jiraan xaalad halis ah.

Duqeymaha Israa’iil ku qaaday baadiyaha Xama ee kuyaalla dalka Syria ayaa lagu beegsaday shan goobood  oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo la sheegay inay soo saarto gantaallo sax ah, waxaa sidoo kale xarumaha kale ee la beegsaday ku jira kuwa ciidan.

Dowladda Syria ayaa weerarkan dhinaca cirka ah ku eedeysay in ay ka dambeeyeen Israa’iil, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay milatariga Israa’iil oo ku aadan duqeyntan cusub, mana looga baran inta badan in Israa’iil ka hadlaan ama qirtaan duqeymaha ay ka geestaan dalka Syria.

Israa’iil ayaa marar badan duqeymo ka fulisay gudaha Syria, kuwaa ay ku beegsadeen kuna dileen saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Iran, mana jiraan jawaabo ay dowladda Syria kaga falceliso duqeymaha Israa’iil ka geestaan dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Jovenel Moise oo goordhaw gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Saddex Wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay goob ay ka socotay Xaflad aroos

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Bomba (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---