Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Ahmed oo War cusub ka soo saaray xiisada Geeska afrika

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka digay in dal kasta oo qorsheynaya inuu dalkiisa ku soo duulo inuu ka fikiro 10 jeer ka hor inta uusan talabadaas qaadin

Sababta ayuu ku sheegay in weerar kasta oo lagu soo qaado Itoobiya ay iska difaaci doonto, isagoo kale xusay in cid kasta oo horey dalkiisa ugu soo duushay ay guul daro la dheelmatay.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in taariikhdu aysan waligeed soo warin Itoobiya oo dal kale weerartay, ciidan Itoobiyaana oo ka gudbay xadkooda oo qabsaday dal kale.

Waxaa uu is ilowsiinayaa kumanaankii Askari  ee Itoobiya u soo dirtay Somalia 15 sano ka hor kuwaasoo magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka qaarkood ku xasuuqay kumamaan Soomaali ah.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu xusey in Itoobiya ay ku suntan tahay iney cashir u dhigto wax uu ugu yeeray Cadowga dhow iyo midka fog ee isku dayaya inuu Itoobiya ku xadgudbo.

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa intaasi raaciyay in lixdii sano ee uu xukunka hayay aysan hal rasaas ku ridin Dalalka deriska, Isla markaana uu aaminsan yahay in marka Dalalka deriska ay nabad yihiin ay Itoobiyana nabad helayso.

Abiy Axmed ma uusan sheegin magaca dal gaar ah oo dalkiisa duulaan ku ah, balse wuxuu hadalkiisa ku soo beegmayaa xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya iyo Masar.

Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskii dhinaca badda ee xukuumadda Abiy Axmed ay bishii January la gashay Somaliland inuu yahay fal gardaro ah, waxaanay kaga jawaabtay inay xiriir millatari la yeelato Masar.

Related posts

Dalkii afraad ee ka tirsan Jaamacada Carabta oo xiriir diblomaasi la sameystay Israel

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ka hadashay nin ajnabi ah oo lagu xiray garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo wafdi heerkiisu sareeyo beri u direysa dalka Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---