Allbanaadir.com
NEWS

Tartanka K/Cagta degmooyinka G/Banaadir oo furmay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Cayaaraha ay muhiim uyihiin is dhexgalka bulshada, isla markaana loo baahan yahay in la dhiira-geliyo dhalinyarada.

Waxa uu guul u rajeeyay dhamaan xulalka ka qeyb-galaya Tartanka gaar ahaan Xulalka Degmooyinka Heliwaa iyo Gubadley oo galabta lagu furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Furitaanka Tartanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taageerayaal kala gedisan.

Xulka Gubadley oo difaacanaya koobka degmooyinka iyo Heliwaa ayaa ciyaartii furitaanka aheyd isla dhaafi waayey barbardhac 0-0 ah, inkastoo labo gool laga diiday xulka Gubadley, waxaana beri wada ciyaari doona xulalka Hodan iyo Kaaraan.

Related posts

Bin Salman oo shaaciyey in naftiisa ay halis ku jirto

Caydiid Ali

Nin gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay duqeymo ka dhacay Gedo & Jubbooyinka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---