Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha XDS & Saraakiil Mareykan ah Sh/dhexe ka bilaabay..

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo saraak,iil Mareykan ah ayaa ku sugan gobolka Sh/dhexe.

Waxaa safarka taliyaha ku wahlinayay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell iyo xubno kale.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugan gobolkaas

Shirka waxaa looga hadlay sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa goobaha ay wali kaga sugan yihiin dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa amray saraakiishan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah al shabaab iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin taageerida dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Related posts

Kheyre oo ku bogaadiyay Dhalinyarada Soomaaliyeed labo arin oo ay kaalin ka qaadanayaan

Cabdi Cade

Markab sida shixnado hub ah oo ku xirtay dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka oo Kooram la’aan wali u furmi la’

Cabdi Cade
Taboola Ads ---