Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo kashifay Qorshe halis ah oo Israel damacsan tahay

Madaxweynaha Turkiga Erdogan shaaciyey qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay Israel oo hadda dagaal ka wada Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

“Israa’iil waxa ay qorsheyneysaa inay qabsato Daanta Galbeed, mana ku ekaan doonto Qasa, waxayna damci doontaa dhulka Jordan (Urdun), Lubnaan, Suuriya iyo xitaa Turkiga marka ay qabsato Ramallah” ayuu yiri Erdogan

“Tallaabada kaliya ee lagu joojin karo argagixisada Israa’iil waa isbahaysi ay yeeshaan waddamada Islaamka” ayuu intaas ku daray.

“Xamaas iyagoo ka wakiil ah dunidda Islaamka , waxay u halgamayaan magaca Muslimiinta, Ka-hortagga argagixisada Israa’iil waa waajib Islaami ah.” ayuu sidoo kale Erdogan.

Turkiga ayaa toddobaadkan la galay Masar, heshiis ay labada dal si isku mid ah u adeegsan karaan saldhigyada badda, taasoo awood u siinaysa Turkiga inuu ballaariyo joogitankiisa bariga dhexe.

Dhinaca kale, Israa’iiliyiin caraysan oo xeebta Tel Aviv ka cayrsaday wasiirka xagjirka ah ee amniga Israa’iil, Ben Gvir.

Israa’iiliyiinta ayaa diiddan nidaamka xagjirka ah ee Netanyahu, sababo la xiriira inay hortaagan yihiin sii deynta maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee Qasa lagu hayo, kuwaasoo meydadkooda gododka Qasa laga soo helayo.

 

Related posts

Kaalintee Somalia ka gashay dalalka caalamka ugu awooda badan dhinaca Milateriga?

Caydiid Ali

Maxaa sababay in 29 sano kadib Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya yeelato Xoghaye joogta oo rasmi ah!!

admin

Shaki ka dhashay shirka uu iclaamiyey Farmaajo & Deni oo mar kale sheegay..

admin
Taboola Ads ---