Wasiirkii hore Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lama filaanka ku noqotay ee saakay uu ku sameeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Juxa ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa uu ka war helay isaga oo usii socda garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si uu u agaasimo booqasho la filayo Madaxeweynaha Soomaaliya in uu ku tago magaalada Garawe.
Halkan ka Akhriso Qoraalka uu Facebook soo dhigay Wsaiir Juxa
Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.
Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.
Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Guul iyo Gobanimo dhammaan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com