Gaari nooca shidaalka qaada oo Geerash yaalay ayaa dab ka kacay magaalada Garowe dabkaas oo gaaray kaalin ku dhawaa geerashka.
Gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee degmada Garoowe oo kaashanaya shacabka caasimadda ayaa ku guulaystay inay damiyaan dab qabsaday kaalinta shidaalka 3CC ee Bariga magaalada Garoowe.
Wax khasaare nafeed ah oo ilaa hadda laga soo weriyey dabkaasi ma jiro, marka laga reebo qof shacab ah oo dhaawac fudud uu soo gaaray.
Burbur xooggan aya soo gaarey kaalinta shidaal ee dabku qabsaday iyo qaar kamid ah xarumihii ganacsi ee ku dhowaa sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.
Marar badan ayaa digniino aan dhaqan gelin dowladda hoose ka soo saartay kaalmaha shidaal ku soo badanaya suuqyada magaalada Garoowe oo ay mar walba ka dhashaan haliso nafeed iyo mid maal.