Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo wadahadal gaar ah la galaya Xamaas

Mareykanka wuxuu diyaarinaya wadahadal uu la galayo Xamaas ee dagaalka kula jirta ciidamada Israel si loo sii daayo maxaabiis Amerikan ah oo gacanta ugu jira kooxdaas sida ay baahisay Aljazeera oo soo xiganeysa wargeyska Telegraph.

Inkastoo Mareykanka uu Xamaas u aqoonsan yahay koox argagixiso ah haddana waxaa uu qorsheynayaa inuu kala hadlo sidii loo sii deyn afar maxbuus oo heysta dhalashada Mareykanka ka dib markii uu ka daalay wadahadalka aan natiijada laheyn ee Netanyahu kula jiro Xamaas kuwaasoo la xiriira sii deynta Maxaabiista.

Ehelada dadka Mareykanka ah ee Xamaas u afduuban ayaa Madaxweyne Biden ku cadaadinaya inuu wadahadal toos ah la galo Xamaas oo aan waxba laga sugin Netanyahu.

Arrintan ayaa hadii ay dhacdo ka dhigan wax aan caadi ahayn iyo kala taga Biden iyo Netanyahu hase ahaatee macnaheedu maaha inay istaagayso taageerrada iyo difaaca uu Mareykanka siinayo Israa’iil.

Mareykanka ayaa markan doonaya in heshiis gaar ah oo la xiriira sii deynta afarta maxbuus la galo Xamaas inkastoo aan la ogeyn sida ay taas ku suuragaleyso, iyadoo Xamaas ay cadaawad weyn u heyso mareykanka maadaama hub iyo dhaqaaleba uu ku taageero Israel.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa lagu warramayaa inuu ku wargeliyay Netanyahu inuusan shaqada ka saarin Wasiirka difaaca, Yoav Gallant  oo ay isku khilaafsan yihiin in dagaalka lagu sii jiro, iyadoo Wasiirka difaaca uu cadaadinayo in heshiis la qaato si maxaabiista looga soo badbaadiyo Qasa, sida ay sheegtay Al Jazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Channel 13.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Mareykanka uu sidoo kale ku wargeliyay Israa’iil maraakiibtiisa xambaaraha diyaaradaha inay u baahanyihiin waqti cayiman ama muddo la ogyahay oo ay sii joogi karaan aagga difaaca Israa’iil, taasoo la rabo inay Israa’iil la wadaagto waaxda difaaca Mareykanka.

Related posts

Ciidamada AMISOM oo lagu biiriyay Ciidamada Xasilinta ee ka howl galaya Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore oo dhaliilay bandowga bisha Ramadaan la saaray Muqdisho

Caydiid Ali

Xamaas oo gantaallo culus ku weerartay magaalada Tel Aviv iyo cabsi lasoo daristay Yahuuda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---