Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo shaacisay iney weerartay 12 Markab oo Israel leedahay

Iran ayaa markii u horreysay maanta soo shaacisay iska horimaadyo dhinaca badda ah oo ay la galeen ciidamada Israa’iil.

Taliyaha ciidanka Ilaalada Kacaanka Jen. Hossein Salami ayaa sheegay inay Israa’iil weerartay 14 markab oo ay leedahay Iran xiliyo kala duwan, waqti ay marayeen biyaha caalamiga ah.

“Israa’iil waxay weerartay 14 ka mid ah maraakiibteena si aan saliideena loo dhoofin.” ayuu yiri taliyaha

“Markii hore maanan garaneyn cidda soo weerartay maraakiibta, laakiin waxaan ogaanay inay tahay maamulka Israa’iil Waxaan kaddib qaadnay weerarro aan ku beegsanay 12 markab oo ay lahayd Israa’iil, kaddib ayay inoo sheegeen inay joojinayaan weerarrada maraakiibteenna.” ayuu yiri taliyaha.

Ma uusan sheegin taariikhda ay weerarradan dhaceen iyo goobaha lagu weeraray maraakiibka labada dhinac, sidoo kale Israel kama hadlin jiritaanka arrintan, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya dhacdooyinkan uu taliyuhu sheegayo.

 

Related posts

Villa Soomaaliya oo soo bandhigtay Todobo qodob oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo Muuqaal “Wiil Soomaali ah oo xayeysiinta dharka ay shaqadiisu tahay xayaysiiyo!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---