Allbanaadir.com
NEWS

Madax ku fashilantay iney isu keenaan Xassan Shiikh & Abiy Ahmed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka qeyb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka dhacaya magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay is hor fariisiyaan labada nin, balse kuma guuleysan.

Waxay noqonaysaa diidmadii labaad ee uu Madaxweyne Maxamuud diiday inuu la kulmo Abiy Axmed.

Isku daygii hore waxaa sameeyey Madaxweynaha Kenya William Ruto oo doonayey inuu wadahadalsiiyo labada hogaamiye oo ku wada sugnaa magaalada Nairobi, kaasoo isna fashilmay.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa salka ku haysa heshiis ay Itoobiya ku kiraysay 20 KM oo xeeb ah oo ka tirsan maamulka la baxay Somaliland, heshiiskaas oo Muqdisho ay sharci darro ku tilmaantay.

Bishii hore ayay ahayd markii wada hadal uu Turkigu dhexdhexaadinayey oo lagu xalinayey ismari waa uu ku dhammaaday,iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka baaqsadeen in wadahadal toos ah ay ku yeeshaan Ankara.

Soomaaliya oo ka careysan heshiiskii Janaury ayaa dalka ka ceyrisay safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay inay meesha ka saarayso ciidamada Itoobiya ee ku howlan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee Soomaaliya.

Related posts

Maxaa ka jira in Guddoomiye Cali Gacal Casir lagu xanibay garoonka Jomo Kenyatta?

Caydiid Ali

Madaxda ugu sareysa Dowlada oo goordhaw hal diyaarad ka raacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Samafale muddo 30 sanno ah gaarigiisa kusoo galbiya xujeyda Makka kusii jeeda

Cabdi Cade