Allbanaadir.com
NEWS

Kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo la baajiyay iyo Sababta keentay

Waxaa maanta oo Sabti ah la baajiyay kulan lagu waday in ay yeeshana xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana sheegin  guddoonka golaha sababta rasmiga ah ee lo baajiyay kulanka maanta yeelan lahaayeen xildhibaanada.

Qoraal xalay loo diray xildhibaanada golaha Shacabka ayaa loogu sheegay in maanta oo Sabti ah uusan jirin kulanka golaha, mana jiro wax sabab ah oo xildhibaanada loo sheegay in loo baajiyay kulanka maanta golaha isugu imaan lahaa.

Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in baaqashada kulanka sabab u yahay kala aragti duwanaashaha xildhibaanada golaha Shacabka qaarkood, gaar ahaan xiisadii ka dhalatay xildhibaanada Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee taagay Itoobiya.

Markii uu soo baxay khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada dhaxdooda iyo mooshinkii laga gudbiyay xildhibaanada Koonfur Galbeed kasoo jeeda ayeysan jirin wax kulamo ah oo dhacay, waxaana sabab looga dhigay baaqashada kulamada in la xariirto xiisada taagan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday in uu qabto mooshinka laga soo gudbiyay xildhibaanada Golaha Shacabka katirsan, waxa uuna guddoomiyaha raadiyay xal aan aheyn mooshinka oo meesha looga saari karo khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga & Mareykanka oo soo geagebeeyey heshiis soo jiray 80 sano

Caydiid Ali

RW Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka arrimaha dibeda, mid cusubna Magacaabay

Caydiid Ali

Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka oo caawa loola cararay Isbitaal ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---