Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo soo saaray amar saameenaya xildhibaanada Mucaaradka

Warbaahinta magaalada Muqdisho ka howlgasha qaarood ayaa si joogta ah u taga kulamada ay yeeshaan xildhibaanada golaha Shacabka, waxa ayna warbaahinta soo duubaan shirar jaraa’id ay qabtaan xildhibaanada qaar marka kulamada dhammaadaan kaddib.

Xildhibaannada mucaaradka ayaa inta badan warbaahinta kula hadla bannaanka xarunta golaha Shacabka, waxa ayna halkaasi ka jeediyaan hadallo  kulul ay dhibsadaan guddoonka golaha Shacabka iyo madaxda kale ee dowladda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddoonka golaha Shacabka oo loo diray warbaahinta madaxabbanaan , ayaa lagu wargaliyay in la mamnuucay in xildhibaanada lagu wareesto ama warbaahinta kula hadlaan bannaanka xarunta golaha Shacabka.

Sida ana xogta ku heleyno xildhibaano badan oo mucaarad ah ayaa si adag u dhibsaday go’aanka kasoo baxay guddoonka golaha Shacabka ee warbaahinta looga mannuucay in lagu;a hadlo xarunta golaha iyo bannaankeeda.

Xildhibaanada golaha Shacabka ee fursada u waaya in xarunta Golaha Shacaba ka hadlaan , ayaa bannaanka kula hadli jiray warbaahinta iyaga oo halkasaai ka sheegi jiray aragtidooda , waxaana inta badan warbaahinta la hadli jiray xildhibaanada mucaaradka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Milatariga Itoobiya oo Dagaal la galaya Al Shabaab oo lasoo sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shuruudaha laga rabo shirkadaha Diyaaradaha ee adeegga Xajka oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaan laga dhigay Degmo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---