Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Israa’iil oo dilay haweeney Mareykanka ah iyo cambaareyn loo jeediyay

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa wali wada xasuuqa ay ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna halkaasi ku dilayaan dad shacab ah oon waxba galabsan, mana jiro ilaa hadda cid wax ka qabaneysa tacadiga Israa’iil geesaneyso.

Warbaahinta waa weyn ee reer Galbeedka ayaa shaaciyay inĀ  Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastiiin in ciidamada Israaā€™iilĀ  ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Matthew Miller ayaa xaqiijiyay, dhimashada Ayshenur Ezgi Eygioo Mareykanka aheyd. Aqalka Cad ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in dilka Ayshenur ay aad uga xunyihiin ayna cambaareenayaan.

Haweeneydan la dilay ayaa sidoo kale aheyd muwaadin asal ahaan kasoo jeeday dalka Turkish ah, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo warbaahinta wqaar kamid ah la hadlay.

Dad badan oon waxna galabsan ayey dileen ciidamada maamulka Israa’iil, waxaana xasuuqa ay milatariga Yahuuda wadaan sheeda ka daawanaya waddamada carbeed iyo sidoo kale waddamada reer galbeedka ee taageersan Isra’il.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax aad u weyn oo goordhaw ka dhacay magaalada Baladweyne iyo xaalado oo…

Cabdi Cade

Xamse oo furay Machad loogu talo galay la dagaalanka fikirka Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Markabkii ay afduubteen Burcad badeeda Soomaalida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---