Allbanaadir.com
NEWS

Kulan arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo guddiga gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada, guddoomiye SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qaatay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa qasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar, kaasi oo lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Guddiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Muqdisho iyo rag hubeesan oo galay Dhismo ku…

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqday boqolaal milyan oo dollar

Caydiid Ali

Gen. Giuseppe Cavo oo balanqaad culus u sameeyey ciidanka Xooga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---