Ugu yaraan 17 caruur arday ah ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul lagu magacaabo Hillside Edarasha oo ku yaalla ismaamulka Nyeri ee dalka Kenya.
Afhayeenka booliiska Kenya, Dr. Resila Onyango ayaa sheegtay in saraakiisha booliiska ee dambi-baarista ay gaareen iskuulka si ay u billaabaan baaritaanno la xiriira waxa sababay dabka.
14 qof ayaa lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Ismamaulka Nyeri ee bartamaha Kenya. Iskuulka ayaa hadda xiran iyadoo booliska ay baarayaan qeybta jiifka ee uu dabku ka kacay.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tacsi u diray shacabka Kenya gaar ahaan ehelada 17 araday oo ku geeriyooday dab qabsaday iskuul ay dhiganayeen oo ku yaalla ismaamulka Nyeri.
Waxa uu sheegay in ay dowladdu garab taagantahay qoysaska dhibaatadu soo gaartay.
Koox baarayaal ah ayaa la geeyay Dugsiga hoose ee Hillside Edarasha, sida ay booliisku sheegeen, kadib dabkii xalay ka kacay iskuulka. Sida aan wararka ku heleyno ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dabkaasi oo ay ku dhinteen 17 arday.
Madaxweyne William Ruto ayaa dabkan ku tilmaamay mid argagax leh, isla markaana khasaare geystay, wuxuuna amray in la baaro.
“Kuwa mas’uulka ka ahaa waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada.
Afhayeenka bilayska Resila Onyango ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in maydadka la helay ay “gubteen si aan la aqoonsan karin”.
Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.